Tijaabi tilmaan-bixiyaha karantiilka iyo tijaabo-qaadista si aad u ogaato waxa adiga ku khuseeya haddii aad tusaale ahaan
- timaado Norway adiga oo ka yimi .
- Danmark: Gobollada oo dhan oo laga reebay Grønland iyo Færøyene.
- Finland: Gobollada oo dhan oo laga reebay Kajanaland, Lappland, Länsi-Pohja, Mellersta Österbotten, Norra Österbotten iyo Syd-Österbotten.
- Island: Gobollada oo dhan.
- Iswiidhan: Gobollada oo dhan.
- Inta kale adduunka: Waddamada oo dhan.
- la yeelatay qof qaba cudurka.
U dhawaansho waa marka:
- dadka kale loo jirsaday wax ka yar masaafo 2 mitir ah waqti ka badan 15 daqiiqo
ama - toos loo taabtay dad kale jidhkooda
ama - toos loo taabto dheecaannada dad kale (tusaale ahaan candhuuf, duuf ama ilmada).
Waxa lagu aqoonsan yahay in aad tahay qof u dhawaaday qof cudurka laga helay haddii isu dhawaanshuhu dhacay- xilli ka mid ah 48-kii saacadood ee ka horeeyey markii qofkaasi helay calaamadaha cudurka ee horreeyey
ama - xilli ka mid ah 48-kii saacadood ee ka horreeyey markii la qaaday tijaabadii cudurka laga helay, haddii qofkaasi isku arkin wax calaamado cudur ah.
Isu dhawaanshaha dhexmara bukaanka, ehelkooda ama dad kale iyo shaqaale caafimaad oo isticmaalaya alaab ka hortag faafitaan oo ku filan ma loo arkayo in a tahay u dhawaansho.
- dadka kale loo jirsaday wax ka yar masaafo 2 mitir ah waqti ka badan 15 daqiiqo
- la deggan tahay qof ku jira karantiil.
Waxa jirar marmar qofka laga dhaafayo xeerka caadiga ah. Raac tilmaan-bixiyahan si aad u aragto mararka lagaa dhaafayo.